Askari katirsan Sirdoonka Dowladda Federaalka Oo Muqdisho Lagu Dilay.

Howlgal gaar ah oo ka dhacay gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa lagu dilay askari katirsan ciidamada Sirdoonka Dowladda federaalka.

Askariga dilka loo geystay waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Aadan, waxaana dilka geystay rag katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Ragga dilka geystay ayaa goobta si nabad geliyo ah uga dhaqaaqay, waxaana goordambe meydka askariga goobta ka qaaday askar kale oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.