Australia Oo Qiratay In Ciidankeeda ay Gumaad ka geysteen Afqaanistaan.

Dowladda Austerlia oo qeyb ka ah isbaheysiga Nato ee duulaanka ku jooga dalka muslimka ah ee Afqaanistaan ayaa qiratay in ciidankeeda ay gumaad wuxuushnimo ah ka geysteen dalka Afqaanistaan oo ay hadda Shisheeyuhu isku diyaarinayaan iney ka baxaan.

Taliyaha guud ee ciidamada dalka Austrelia oo warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay in ciidankooda ay dad shacab ah si ula kac ah ugu dileen dalka Afqaanistaan, xilli ay ka qeybgalayeen howlgallo milliteri oo ka dhacay dalka Afqanaistaan.

Anjos Cambil ayaa si jees jees ah wuxuu u sheegay in tallaabadan ay ku gumaadeen shacabka muslimka ah ee Afqaanistaan ay keeneyso kalsooni darro ballaaran oo ay reer Afqaanistaan u qaadaan ciidamada Austrelia, oo uu sheegay in “ markii hore ay iyagu dalbadeen kaalmadooda” waa sida uu hadlka u dhigaye, maadaama aaney jirin codsi ay reer Afqaanistaan u jeediyeen ciidamada Shisheeyaha oo ku aadan in dalkooda ay duulaan kusoo qaadaan.

Arimaha layaabka leh ee uu qirtay taliyaha guud ee ciidamada Austrelia waxaa kamid ah in dadka shacabka ee reer Afqaanistaan ay la kulmeen gumaadka ciidamada Austrelia, xilli ay iyagoo maxaabiis ah ku jireen gacanta ciidamada Shisheeyaha.

Wuxuu gumaadku dhacay iyagoo joogin fagaarayaasha dagaalka, markaas oo ay dhici karto in dadka qaar si kama’ loo dilo, hase ahaate dadkan shacabka oo ahaa sida uu taliyuhu sheegay beeralley iyo dad shacab ah la gumaaday iyagoo ahaa maxaabiis ku jira gacanta ciidamada Austerelia ee qeybta ka ah Shisheeyaha ku duuley dalka Afqaanistaan.

Tirada dadka shacabka ah ee ay xukuumadda Austerlia qiratay in ciidankeedu si bareer ah ugu dileen dalka Afqaanistaan waxay gaarayaan 39 ruux, hase ahaate waxaa la rumeysanyahay in tiradu intaas ka badantahay.

Baaraha guud ee ciidamada Austerlia ayaa gaaray dalka Afqanistaan, sida lagu sheegay warka kasoo baxay xukuumadda Austerlia, waxaana baaritaanka arinkan uu ku ogaaday ku guda jiray afar sano oo xiriir ah.

Sanadkii 2002-da ayay dowladda Austerlia boqollaal askari oo kamid ah ciidankeeda waxay u dirtay dalka Afqaanistaan, si ay Maraykanka ugu gacan siiyaan dhibaateynta dadka muslimiinta ah.

Hadda waxay ciidamada Shisheeyaha isku diyaarinayaan iney isaga soo cararaan dalka Afqaanistaan, waxaana qorshaha ciidamada looga soo saarayo Afqaanistaan hor boodaya dowladda Maraykanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.