Baxreyn oo ku dhawaaqday geerida Ra’iisul wasaaraha Dalkaasi.

Boqortooyada Baxreyn ayaa waxay sheegtay in Sheikh Khalifa oo ahay 85 sano jir uu saakay ku dhintay Mayo Clinic Hospital oo ku yaal dalka Mareykanka sida lagu sheegay wakaalada rasmi ah ee Baxreyn.

Madaxwenaha dalka, Xamad bin Ciisa, ayaa amar ku bixiyay in si rasmi ah loogu dhawaaqo baroordiiqda muddo toddobaad ah, isla markaana la joojinayo shaqada waaxaha dowladda muddo saddex maalmood ah, laga bilaabo beri oo Khamiis ah.

Waxaa xusid mudan in Khalifa bin Salmaan uu ahaa Raiisel Wasaaraha Baxreyn tan iyo markii ay xornimada qaadatay 1977.

Lama oga asbaabta uu udhintay Reysulwasaaraha xili dunida uu ka jiro cudurka corona oo dilay dad aad ubadan oo ay ku jiraan madax katirsan dowladaha caalamka.

Munaasabada La xeriirta aaskiisa ayaa ka dhici doonta Baxreyn marka la keeno Meydka Reysulwasaaraha.

axreyn ayaa kamid ah dalalka ku dhawaaqay inay xeriir la yeesheen Yahuuda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.