Beeraleyda Gaarisa Oo Ka cabanaya Dhul Boob lagu hayo Dhulkooda.

Gobolka Gaarisa oo kamid ah dhulka NFD ee ku jira gacanta dowladda Kenya ayaa dadka ku dhaqan waxay ka cabanayaan dhibaatooyin xoogan oo dhinacyo kala duwan leh.

Beeraleyda gobolka ku dhaqan ayaa hadda waxay ka cabanayaan in dhul boob lagu hayo dhulkooda ay sanadaha gacanta ku hayeen, taasoo ay geysanayeen dhinacyo wada shaqeyn la leh maamulka dowladda Kenya ugu magacaaban gobolkaas.

Beeraleyda qaar oo warbaahinta la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in laga qaatay dhulkooda ay 30 sano iyo ka badan soo beeranayeen, iyadoo maamulka halkaas uusan waxba ka qaban cabashada bulshada.

Halkan ka dhagayso Beeraleyda Gaarisa Oo ka cabanaya Dhul boob lagu hayo dhulkooda

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.