Booliiska Uganda Oo Dilay Inkabadan 30 Ruux Oo Shacab ah. (Dhagayso)

Banaanbaxyo ka dhacay dalka Uganda ayaa waxaa ka dhashey khasaare ba’an oo gaaray dadka shacabka ah, kadib markii ciidamada booliiska ay rasaas ku fureen dadka dhigayay dibadbaxyada.

Dadkan careysan ee bananabaxa dhigayay waxay kasoo horjeedeen siyaasi ay taageersanaayeen oo ay ciidamada ammaanku xabsiga dhigeen, kadib markii lagu eedayay inuu ku kacay falal ka dhan ah nidaamka dalka.

Siyaasigan ayaa goordambe waxaa laga sii daayay xabsiga, waxaana dadka shacabka ah laga dilay inkabadan 30 ruux oo shacab ah.

Halkan ka dhagayso Warbixin dibadbaxyaal lagu dilay dalka Uganda.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.