Ciidamada Sirdoonka Maamulka Puntland Oo Lagu Weeraray Galgala.

Wararka ka imaanaya buuraleyda Galgala ee gobolka Bari ayaa ku waramaya in qarax xoogan lagu weeraray ciidamo katirsan sirdoonka maamulka  Puntland.

Ciidamada qaraxa lala eegtay ayaa watay gaari nooca dagaalka ah, waxaana qaraxu haleeley xilli ay marayeen duleedka deegaanka Galgala ee gobolka Bari.

Waxyeello kala duwan ayaa gaartay ciidamada qaraxa lala eegtay, sida ay ku waramayaan warar la helayo.

Dhinac kale, faafaahin ayaa kasoo baxeysa duqeyn darraad ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ku garaaceen ciidamada maamulka Puntland ee jooga deegaanka Galgala.

Ugu yaraan labo gaari oo tiillay xerada la duqeeyay ayaa si adag u burburay, kadib markii ay ku dhacday duqeynta xoogan ee lagu garaacay.

Buuraleyda Goolis waxaa ka howlgala ciidamo katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, waxaana ay baacinayaan Shisheeyaha Maraykanka, shirkadaha Shisheeyaha iyo maamulka Puntland.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.