Ciidamo Katirsan Dowladda Federaalka Oo Lagu Dilay Muqdisho iyo Hiiraan.

Waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacay howlgal gaara ah oo lagu dilay askar katirsa ciidamada Dowladda federaalka.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa toogtay labo askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka, waxayna markaas kadib isaga dhaqaaqeen goobta.

Goor dambe waxaa halka uu dilka ka dhacay soo gaaray ciidamo katirsan kuwa Dowladda federaalka, kuwaas oo qaaday meydadka askarta la dilay.

Dhinac kale, inta u dhexeysa Jalalaqsi iyo Ceel baraf waxaa ka dhacay howlga lagu dilay askari katirsan ciidamada Dowladda federaalka.

Askariga la dilay waxaa laga qaatay qorigii uu watay, ciidamo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaana fuliyay howlgalkan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.