Dad Guryahooda Laga Burburiyay Oo Todobaadkii Sadexaad Banaanka Ku Hooyanaya.

Dadweynaha ku dhaqan xaafadda Imbigaati ee degmada Afgooye oo dhawaan maamulka degmadaas ka burburiyay guryahooda ayaa todobaadkii saddexaad ku hooyanay wadooyinka, iyagoo ah hooy la’aan.

Dadka Shacabka ah ayaa sheegaya in laga burburiyay guryihii ay degnaayeen muda ka badan 30 sano, iyadoo loo xoog sheegtay, loona adeegsaday ciidamo iyo baldoosarro.

Qaar kamid ah oo warbaahinta la hadlay waxay sheegeen ineysan jirin wax maamul ah oo u yimid, kana wareystay dhibaatadooda, waxayna ka codsadeen dadka Muslmiinta ah iney gurmad lasoo gaaraan.

Waxaa jira qoysaska qaarkood oo ay dhaawacyo soo gaareen, xilliga ciidamada Dowladda federaalka ay burburinayaan guryaha dadka shacabka ah leeyihiin.

Maamullada ku daaban Shisheeyaha ayaa inta badan waxay u xoog sheegtaan dadka shacabka ah, iyagoo ka burburiya guryahooda, waxaana ay bedelkooda dejiyaan hay’adaha shisheeyaha iyo qaandaraaslayaal Soomaali ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.