Dad Shacab ah Oo Ku Dhintay Qaraxyo Ka dhacay Sool iyo Togdheer.

Qaraxyadan oo uu nuucoodu ahaa miinada dhulka lagu aaso ayaa siyaabo kala duwan waxey uga dheceen degaan katirsan Gobolka Sool iyo iyo degmo dhacda gobolka Togdheer.

Qraxya Sool hadii aan ku hormarno waxey wararku sheegayaan in 3 ruux ay dhinteen ka gadaal markii miino kula kacday deegaan lagu magacaabo Dharkayn-geeyo.

Qaraxan ayaa dadka ku dhintay waxey ahaayeen xoolo dhaqato reer guuraa ah iyadoona tiro geelo ay sidoo kale miinadu dishay.

Gudoomiyaha degaankaas ugu magacaaban maamulka ka arimiya oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay minooyinku waxey ahaan iyo asalkooda halka ay kayimaadeen, waxayna sheegeen in miinooyinkan ay ahaayeen kuwii kasoo haray dagaalladii sokeeye.

Dhanka kale galinkii dambe ee maalintii shalay qarax miino ayaa isna wuxuu ka dhacay degmo katirsan gobolka Togdheer.

Qaraxaan ayaa yimid ka gadaal markii gaari bas ah oo ay saarnaayeen dad rayid ah islamarkaane ku socdalayay meel u dhow degmada Balli-dhiig ay la kacday miino xoogan taasoo sababtay in gaariga uu gaaro burbur xoogan.

Sadax qof oo sarnaa gaariga ayaa dhimasho iyo dhaawac noqday kuwasoo loo qaaday xarumaha caafimaadka.

Mid kamid ah dadkii ku dhaawacmay qaraxa ayaa la sheegay inuu u geeriyooday kadib markii isbitaalka la geeyay asagoo garaab ah.

Maamulka Soomaliland ee ka arimiyaa deegaannada ay qaraxyadu ka dheceen ilaa hada wax war ah kama soo saarin balse qaraxyadan sababay dhimashada afarta ruux iyo dhawacyada ayaa imaanaya xili dhawaan magaalada Hargeysa ay ku dhaawacmeen 10 qof kadib rabshado ka dhashay garoon lagu ciyaaro oo ku yaala magaaladaas.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.