Dad Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Koonfur Africa.

Dukaan Soomalidu leeyihiin oo ay dheceen burcad.

Wararka ka imaanaya dalka Koonfur Africa ayaa ku waramaya in dad Soomaaliyeed lagu dilay dalkaas, kadib markii koox tuugo ah ay weerar ku qaadeen dukaamo ganacsi.

Ugu yaraan hal Ruux oo Soomaali ah ayaa la dilay, halka la dhaawacay mid kale, waxaana boob loo geystay labo dukaan oo ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed.

Soomaalida ayaa duugtay ninkii laga dilay, halka kan kale ee dhaawac ah xaaladiisa caafimaad lala tacaalayo.

Waxaa goobta isaga baxsaday kooxda Koonfur Afrikaanka burcadda ahaa, waxaana goordambe halka uu dilka ka dhacay soo gaaray ciidamada booliiska.

Dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Koonfur Africa ayaa marar badan la kulma weeraro lagu daadiyo dhiigooda, sidoo kalena lagu boobo hantidooda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.