Dilal Bareer ah Oo Saacadihii Lasoo Dhaafay Ka Dhacay Muqdisho.

Saacadihii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho iyo duleedkeeda waxaa ka dhacay dilal arxan daro ah oo ay ciidamada Dowladda federaalka u geysteen dhalinyaro ku shaqeysan jiray mooto bajaaj iyo mida dhug dhugleyda loo yaqaan.

Hadaan ku hormarno Muqdisho gaar ahaan meel u dhow isgoyska Siinaay waxaa ka dhacay dil uu askari katirsan ciidamada DF ugeystay wiil darawal ka ahaa mooto bajaaj.

Dilka ayaa yimid kagadaal markii askariga oo wata mooto laba lugoodleyda uu ku dhawaaday motada bajaajka halkaas uu ka dhashay ciriiri.

Askarigii ayaa kasoo dagay mootada isagona dagaal gacan ka hadal ah lagalay darawalkii bajaajta. kadib waxaa dhacday inuu qorigiisa lasoo boxo rasaasne uu ku furo.

Halkaas ayuu ku geeriyooday darawalkii Bajaajta waxaana goobta si nabad ah isaga tagay askarigii dilka ka dambeeyay.

Dad weynihii ka ag dhawaa halka uu falkan ka dhacay ayaa meesha ka qaaday meydka darawalka waxaana la sheegay in loo qaaday xarunta dambibaarista CID-da ee DF.

Dhanka kale tafaasiil dheeraad ah ayaa laga helayaa fal kan lamid ah oo ay shalay ciidamada DF ka geysteen duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Falkan ayaa yimid ka gadaal markii ciidamo katirsan DF ay wadada u dhexeysa Muqdisho iyo afgooye u galeen mootada laba lugoodleyda ah oo ay saarnaayeen laba wiil oo dhalin yaro ah.

Goobjoogayaan ku sugnaa halka uu falka ka dhacay ayaa sheegay in askartii ay lacago baad ah weydiisteen darawalkii mootada kadibna uu ka diiday waxaana la sheegay in laba kun ilaa sadax kun shilin soomaali ah ay ku murmeen.

Mid kamid ah askartii baada weydiisay darawalkii ayaa rasaas ku furay daralka taasoo sababtay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Darawlkii ayaa durbaba meesha ku nafbaxay waxaana sidoo kale uu dhaawaac soo gaaray ninkii shacabka ah ee lasaarnaa darawlaka mootada.

Ciidankii dilka geystay ayaa isaga tagay goobta iyagoona xitaa dhaawac ninka qaadin waxaana goor dambe ninkaan loo qaaday cisbitaal ku yaala Muqdisho halkaasoo hada lagu dabiibayo.

Dad weynihii ka ag dhawaa halka uu falka ka dhacay ayaa goobta ka dhigay dibax bax ay uga cabanayaan dilka gardarada ah ee loo geystay dadka shacabka ah.

Ciidamada DF ayaa inta badan dad rayid ah ee Muqdisho iyo deegnada kale u dila wax aan macno leheyn sida shilmaad yar oo waliba baad ahaan ay dadka u ga qaataan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.