Doorashooyinka Madaxtinimada Maraykanka iyo Dagaallada Ka Socda Itoobiya. (Dhagayso)

Maalintii labaad dagaallo xoogan ayaa ka dhacaya gobolka Tigreega, halkaas oo ay ku dagaallamayaan ciidamada Dowladda dhexe ee Itoobiya iyo kuwa qowmiyadda Tigreega.

Abey Axmed ayaa ciidamo ka saaray qeybo kamid ah Soomaaliya, waxaana uu dagaalka kusoo rogay lix bilood oo xaalad deg deg ah, iyadoo weli anteennada Isgaarsiinta iyo Internetku ka maqanyihiin goobaha ay dagaallada ka socdaan.

Dhinac kale, doorashooyinka madaxtinimada dalka Maraykanka ayaa maraya meel xasaasi ah, waxaana codad badan laga horeeyaa Donald Trump.

Hadaba wararkii ugu dambeeyay Doorashooyinka Maraykanka iyo Dagaallada Itoobiya waxaa ka waramaya Maxamed Daahir Calasow.

Halkan ka dhagayso Doorashooyinka Maraykanka iyo dagaallada Itoobiya

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.