Dowladda Itoobiya Oo Saraakiil Tigree ah Ku xirtay Soomaaliya.

Xilli uu sii xoogeysanayo dagaalka ka socoda dalka Itoobiya ee dhexmaraya ciidamada Itoobiya iyo kooxda Tigreega ayaa waxaa muuqaneysa in dagaalkaas uu saameyn ku leeyahay ciidamada Itoobiya ee jooga Soomaaliya.

Warbixin ay baahisay wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganeysa ilo diblumaasiyiin oo xog ogaal ah ayaa lagu sheegay in inkabadan 200 oo sarkaal oo kasoo jeeda qowmiyadda Tigreega lagu xiray saldhigyo ciidan oo ku yaala Soomaaliya.

Saraakiishan sida gaarka ah loo xiray waxay kasoo jeedaan qowmiyadda Tigreega, waxaana muuqaneysa in xiritaankooda uu xiriir la leeyahay dagaalka ka socda dalka Itoobiya ee u dhexeeya Tigreega iyo Abey Axmed.

Warbixintu waxay sidoo kale sheegtay in dowladda Itoobiya kumanaan askari oo horleh kala baxeyso Soomaaliya, kuwaas oo la geyn doono jiidda hore ee dagaalka ka soconaya wuqooyiga dalka Itoobiya.

Halkan ka dhagayso Warbixin Saraakiil Tigree ah Oo lagu xiray Soomaaliya

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.