Faafaahin Laga helayo Camaliyad Nafhurnimo Oo Ka dhacay Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa maanta ka dhacay weerar nafhurnimo oo lagu qaaday xarunta booliiska dowladda federaalka ee magaalada Muqdisho.

Naftii hure katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray saldhiga iskool Bulusiya ee degmada Xamar Jajab ee Muqdisho, halkaas oo ay ku sugnaayeen saraakiil iyo ciidamo katirsan Booliiska Dowladda federaalka.

Xilliga uu weerarku dhacayay waxaa goobta ku sugnaa saraakiil iyo xubno muhiim ah oo katirsan  dowladda federaalka.

Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegatay masuuliyadda camaliyadan, iyadoo shaacisay iney ku dishey xubno katirsan Dowladda Federaalka.

Dhinac kale, afhayeen u hadlay ciidamada Booliiska dowladda Federaalka ayaa xaqiijiyay qaraxa, waxaana uu sheegay inuu ka dhashey khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac.

Xilli waqtiga dowladda federaalka ee uu hogaamiyo Farmaajo uu gabaabsi sii yahay ayaa waxaa muuqaneysa in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay awood u leedahay iney howlgallo ka fuliso Muqdisho, xilli uu Farmaajo waqtigii uu xilka qabanayay ku hanjabay inuu Soomaaliya ka tirtiri doono Mujaahidiinta.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.