Faransiiska Oo Cadaadis Saaraya Muslimiinta Ku Nool Dalkaas. (Dhagayso)

Madaxweynaha dalka Faransiiska ee ku caan baxay aflgaadeynta Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam ninka lagu magacaabo Emmanual Macron, ayaa markale wuxuu shaaca ka qaaday in dowladiisu aaney joojin doonin ku jees jeesida Rasuulka maqaamka sare leh ee Muxammad Salla-llaahu caleyhi wasallam.

Macron ayaa sheegay inaaney ka tanaazuli doonin waxa uu ku tilmaamay xaqqa ay u leeyihiin iney cabiraan oo ay ka hadlaan wax weliba oo ay doonaan, wuxuuna intaa ku daray iney sii wadi doonaan sawirrada aflagaadada ku ah Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.

Xilliga uu Emmanul Macron si cad u sheegayo iney sii wadi doonaan aflagaadada Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, wuxuu dhinac kale sii xoojiyay cadaadiska uu saarayo muslimiinta ku nool dalka Faransiiska ee malaayiinta gaaraya.

Macron ayaa qasriga madaxtooyada ee magaalada Paris wuxuu kulan kula yeeshey masuuliyiin matala jaaliyadda muslimiinta ee Faransiiska, si gaar ah A’immada masaajidda iyo dadka akhriya khudbadaha jimcaha.

Wuxuu kulanka ka sheegay in looga baahanyahay culimada matasha muslimiinta Faransiiska iney dejiyaan xeerar dhigaya iney ka dambeynayaan waxyaabaha ay ku taagantahay jamhuuriyadda cilmaaniga ah ee Faransiiska.

Macron ayaa 15 maalmood u qabtay madaxda masaajidda dalka Faransiisk iney kusoo diyaariyaan xeerarkaas, oo noqon doona sida uu sheegay mid xadidaya hadallada iyo khudbadaha ay jeedinayaan A’immada masaajidda muslimiinta.

Halkan ka dhagayso Warbixin Xadgudubka Fransiiska ee weli socda

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.