Itoobiya iyo Tigreega.. Sheekada Dhameystiran laga soo billaabo Maamulka illaa Isku dhaca.

Dalka Itoobiya waa mid kamid ah wadamada dhaca geeska Africa, waxaana dalkan ku nool qowmiyado kala duwan oo ballaaran, kuwaas oo mid weliba oo kamid ah ay dooneyso iney talada dalkaas gacanta ku dhig.

Loolanka iyo in lagu hardamo hogaaminta wadanka ayaa ah astaan muuqata oo ay leeyihiin siyaasiyiinta iyo madaxda dalka Itoobiya, waxaana qowmiyadda Tigreega lagu tilmaamaa iney ahayd qowmiyadda ugu waqtiga dheer, marka loo eego xukunka dalka Itoobiya.

Hogaamiyaashii ugu badnaa ee soo mara  wadanka Itoobiya ayaa kasoo jeeda qowmiyadan, hase ahaate sanadihii u dambeeyay waxaa muuqaneysa in taladu faraheeda ka baxeen.

Dagaalladii ugu dambeeyay ee ka dhex qarxa dowladda dhexe ee Itoobiya iyo qowmiaydda Tigreega ayaa waxay dad badan ku tilmaamayaan iney ka dhigantahay astaan muujineysa in dalka Itoobiya uu kala tagay, qowmiyadaha halkaas deganna ay bilaabeen in midba midka kale uu tunka ka fuulo.

Khilaafaadkan soo jiitamayay mudada dheer ee keeney dagalaka tooska ah, waxay ka dhigantahay in dowladda labaad ee ugu dadka badan qaaradda Africa ay cagta saartay wadada burburka.

Gobolka Tigreega ayaa kamid ah 10ka gobol ee dalka Itoobiya, waxaana dadka degan ay ka dhiganyihiin lix boqolkiiba guud ahaan shacabka Itoobiya oo lagu tilmaamo iney ka badanyihiin 100 milyan oo qof, halka qowmiyadahana ay dhanyihiin 80 qowmiyadood.

Warbixintan, waxaan si kooban isugu dayi doonnaa inaan kusoo bandhigno waxa uu salka ku hayo khilaafka ka dhexeeya qowmiyadda Tigrega iyo dowladda uu hogaamiyo Abey Axmed, inagoo dib u milicsan doanna taariikhda wadnaka.

Xilligii uu talada dalka Itoobiya gacanta ku hayay Mingeste Heyla Maryam, dalkuna ay ka dillaacday macluul daran, oo ay ku dhinteen ugu yaraan 8 milyan oo ruux, ayaa waxaa hana qaaday koox mucaarad ah oo ku kacsan nidaamka Mangeste, hase ahaate illaa 1998-dii waxay mucaaradku ahaayeen magac u yaal oo keliya.

Waxay ka dhignaayeen malleeshiyaad yar oo hubeysan, islamarkaana hoostagaya qomwiyad gaar ah, howlgalladooduna  waxay ahaayeen oo keliya weeraro aan saameyn lahayn.

Hase ahaatee Jabhadda isbaheysiga shacabka Tigreega ayaa ahayd kooxda keliya ee isku duba dhacsan, marka loo eego xagga ciidamada iyo hubka intuba, waxaana ay lahayd gaashaanbuursi xagga dibadda ah, iyadoo xiriir la lahayd jabhadda Shacabka ee xureynta Erteriya.

1988dii, waxaa kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen mucaaradka Itoobiya lagu qabtay meel kamid ah wadanka Suudaan, kaas oo ay kasoo qeyb galeen 14 urur oo hubeysan oo Itoobiyaan ah, waxaana ururadaas ay sheegeen in iyagoo mideysan ay isku kaashan doonaan sidii talada looga tuuri lahaa Mingeste.

Hogaanka isbaheysigaas lagu soo dhigay dalka Suudaan waxaa qaatay Jabhadda Tigreega, maadaama ay ahayd kooxda keliya ee isku duba dhacsan marka loo fiiriyo hubka iyo ciidanka intuba.

Isbaheysigaas lagu soo dhisay Suudaan wuxuu jiray 3 sano oo kaamil ah, waxaana iyago ku dhow iney talada ka tuuraan Mingeste sanadkii 1990-kii magaalada London lagu qabtay kulan ay isugu yimaadeen mucaaradka Itoobiya, kulankaas oo ay garwadeyn ka ahaayeen dowladaha Maraykanka iyo Ingiriiska.

Hadafka shirkaas wuxuu ahaa in lagu mideeyo mucaaradka Suudaan, loona yeelo hogaan mideysan, sida lagu sheegay ajandaha shirka, waxaana markale hogaaminta isbaheysigaas loo dhiibay jabhadda Tigreega.

Bilo yar un kadib shirkaas, waxaa dalka Itoobiya soo galay ciidamada isbaheysiga Jabahdaha xureynta Itoobiya ee lagu soo dhisay dalka Ingiriiska, Tamir Linh ayayna 28-kii May 1991-da waxay ka dhigeen madaxweynaha dalka Itoobiya, markii ay talada ka tureen Mingeste.

Waxaa xusida mudan in Tamir Linh uu kasoo jeeday qowmiyadda Tigreega,  kadibna waxaa talada kaga dambeeyay Melez Zanawi, kaas oo talada dalka gacanta ku dhigay sanadkii 1995-tii, ahaana ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya illaa uu ka geeriyoonayay sanadkii 2012ka.

Tani waxy ka dhigantahay in qowmiaydda Tigreega wax ka badan 20 sano ay gacanta ku hayeen xukunka Itoobiya, iyagoo ku dhex jira isbaheysi ka kooban dhamaan qowmiaydaha Itoobiya, kaas oo marka si dhab ah loo hadlo ahaa isbaheysi ay gacanta ku hayaan Tigreega.

Inkastoo qowmiyadaha kale ay ku dhibanaayeen in Tigreegu uu maamul dalka waqtiga intas la eg, hadana kuma dhiiran Karin shakhsiyaadka qeybta ka ah isbaheysigaas iney banaanka soo dhigaan arinkaas, maadaama Melez Zanawi uu ku guuleystay in gacan bir ah uu ku maamulo dalka.

Hase ahaatii markii uu dhintay, taladana loo dhiibay Hayla Maryam Deceline, waxaa banaanka uso baxay carada ay qowmiayaduhu ka muujinayaan in Tigreegu mudadan dheer uu gacanta ku hayo hogaanka dalka.

La wareegitaanka Hayla Maryam ee hogaaminta dalka Itoobiya, waxaa daba raacay banaanbaxyo ballaaran oo ay dhigayaan shacabka dalkaas, Oromada ayaana ahaa dadka ugu badan ee ka qeybgalay bananabaxyadaas.

Xooga banaanbaxyadan oo marna kordhayay marna nuqsaamayay intii u dhxeysay sanadihii 2015-ka  iyo 2017-ka, ayaa waxay sii laba kacleeyeen markii Hayla Maryam uu deegaanno dhaca koonfurta caasimadda Adis Ababa u uku wareejiyay maalgashadayaal Ajaaniib ah.

Oromada oo ka dhigan 40% guud ahaan shacabka Itoobiya ayaa si cad u muujiyay iney kasoo horjeedaan qaabka la isugu bedelo xukunka dalka, jabhadda Oromadana waxay si lama filaan ah xilka uga qaaday hogaamiyaheedii Lama Maqrsa, iyadoo ku bedeshay jeneraalkii hore ee Sirdoonka Itoobiya ninka lagu magacaabo Abey Axmed.

Waxay banaanbaxyadu sii socdaanba, waxay keentay in Hayla Maryam Deceline uu xilka iska casilo, waxaana billowday olole lagu doonayo in lagu soo doorto ra’iisul wasaare cusub, Amxaarada iyo siyaasiyiintodana waxay taageereen Abey Axmed, taasoo keentay inuu noqdo ra’iisul wasaaraha cusub ee Itoobiya.

Wuxuu Abey Axmed isku muujiyay inuu yahay nin nabadeed, isagoo sii daayay siyaasiyiin ku xirnaa xabsiyada, sidoo kalena warbaahinta u ogolaaday in si taxadar leh ay uga shaqeeyaan wadanka, sanadkii 2018-ka wuxuu ugu magacdaray sanadkii heshiisyada.

Tallaabooyinkii uu qaaday Abey Axmed waxaa kamid ahaa inuu xilka ka qaaday taliyaashiii ciidamada iyo sirdoonka oo tan iyo sanadkii 1991-diiba isaga daba marayeen shakhsiyaad kasoo jeeda Tigreega.

Tallaabada uu saraakiishan ku bedelay waxay kicisay carada Tigreega, oo u arkay Abey Axmed inuu si gaar ah u beegsanayo qowmiyadda Tigreega ee dalka Itoobiya soo maamuleysay inkabadan 20 sano.

Waxaa kaloo Tigreega aad uga caraysiiyay, tallaabadii uu Abey Axmed kula heshiiyay dowladda Erteriya, uguna tanaazuley dhulka ay isku heysteen labada dal, waxayna tani Tigreegu u arkeen tallaabo kale oo uu Abey Axmed ku beegsanayo Tigreega, maadaama Tigreegu ahaayeen dadka hurinayay dagaalkii dhexmaray Itoobiyaanka iyo Erteriya.

Markii uu Coronavirus ka dillaacay caalamka, wuxuu baarlamaanka Itoobiya ku dhawaaqay inuu dib u dhigay doorashooyinka madaxtiniamda ee sanadka 2020-ka, iyagoo fulinaya dalab uga yimid ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abey Axmed.

Tallaabadan waxay ahayd mid kale oo sii kordhisay carada Tigreega, kuna riixday iney qaataan tallaabooyin iyo go’aanno ka dhan ah dowladda dhexe ee uu hogaaminayo Abey Axmed.

Gudoomiyaha baarlamaanka Itoobiya haweeneyda lagu magacaabo Tharya Ibraahim ayaa sheegtay inay iska casishey xilkii madaxtnimada ee baarlamaanka, iyadoo ka qeybgaleysay isku imaatin ka dhacay magaala madaxda Tigreega ee Maqalle, waxayna xilligas tiri “ raalli kama ahi inaan la shaqeeyo koox ku xadgudubtay dastuurka”.

Is casilaada haweeneydan, waxaa raacay is casilaadyo kale oo ay ku dhaqaaqeen shakhsiyaad kasoo jeeda Tigreega oo katirsanaa dowladda Abey Axmed, waxaana xisbiga Jabhada Shacabka Tigreega uu sheegay in iyagu si madax banaan u qabsan doonan doorashooyinka madaxtnimada ee gobolka.

Waxay qabsadeen doorashooyin ay kasoo qeybgaleen oo ay codadkoodu dhiibteen sida Tigreegu ku doodeen kudhawaad 3 milyan oo ruux, xukuumadda dhexe ee Abeyna waxay diiday iney aqoonsato doorashooyinkaas, iyadoo ku tilmaamtay mid sharci darro ah.

Wax weliba waxay ka daroo dibi dhal noqdeen, markii iyaguna kooxda Tigreegu shaaca ka qaadeen inaaney aqoonsaneyn xukuumadda dhexe ee Abey Axmed, maadaama muda xileedkeedii uu dhacay.

Bishi Septembar ee sanadkan 2020-ka, waxay dowladda dhexe ee Itoobiya joojisay gebi ahaanba xawaaladihii lacagaha la isugu deri jiray ee gobolka Tigreega, iyadoo sido kale miizaaniyad ka jartay is maamulka Tigreega, waxaana tallaabadan lagu tilmaamay tii ugu xooganeyd ee sii hurisay khilaafka labada dhinac.

02-dii bishan Novembar, waxay ciidamada Itoobiya weerar culus ku billaabeen magaalada maqalle iyo deegaannada ay degaan Tigreega, iyadoo dowladda dhexe ay sheegtay inay ka jawabeyso weerar ay Tigreegu kusoo qaadeen saldhig ciidan.

Dadka ka faallooda arimaha dalka Itoobiya waxay sheegayaan iney tahay markii ugu horeysay oo ay dagaallo dhexmaraan gobol kamid ah Itoobiya iyo dowladda dhexe ee dalkaas, waxaana loo badinayaa dagaalkan inuu horseedo in goblka Tigreegu qaado tallaabo uu kaga go’ayo jamhuuriyadda Itoobiya inteeeda kale.

Qodobka 39aad ee dastuurka Itoobiya ee la meel mariyay sanadkii 1995-tii  ayaa wuxuu dhigayaa “ shacab kasta oo kamid ah shucuubta Itoobiya wuxuu xaq u leeyahay inuu go’aan ka gaaro aayihiisa, si shuruud la’aan ahna uu uga go’o dalka intiisa kale”.

Qodobkan ayaa ah mid ay dhaqan gelin karaan qomwiyadda Tigreega, haddii ay sii socdaan dagaallada dhacaya, islamarkaana fashilmaan waan waanta iyo isku dayada ay reer galbeedku ku doonayaan iney kusoo dhex galaan dagaalka ka soconaya wadanka Itoobiya.

Sii socoshada dagaalka ka dhex qarxay qomwiyadaha Itoobiya, waxay maslaxad iyo dan ugu jirtaa guud ahaan shucuubta muslimka ah ee degan geeska Africa, waxaana xitaa hadda fursadan ka faa’ideysan kara dadka muslimiinta ah ee ay Itoobiyaanka gumeysiga ku heystaan oo ay ku jiraan ehelkeena Soomali galbeed, sidaas waxaa qaba Aqoonyahannada ka faallooda arimaha geeska Africa.

Haddii uu sii socdo dagaalka ka socda wadanka Itoobiya, waxay sidoo kale dhabar jab iyo rajo beel ku tahay kumanaanka askari ee Itoobiya ka jooga dalka Soomaaliya, kuwaas oo ay xitaa dhici karto in dhexdoodu rasaasta ka billaabato.

Shacab weynaha Soomaaliyeed ayaa aad u neceb xabashida, waxayna mar weliba ku farxaan dhibaatada gaarta, maadaama Itoobiya ay tahay cadowga koowaad ee ay leeyihiin Soomaaida.

Shariif Shaacir, oo horay uga mid ahaa ciidamadii Soomaaliya ee la dagaallamy Xabashida Itoobiya ayaa mar uu waraysi siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-Furqaan wuxuu dhinacyada isku haya dalka Itoobiya ugu baaqay iney sii wadaan dagaallada, oo aan midnaba kan kale u tanaazulin.

Halkan ka dhagayso Warbixinta Muxuu Salka ku hayaa Khilaafka Itoobiya.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.