Kumanaan Itoobiyaan ah Oo ka Barakacay Dagaallada Ka Socda Itoobiya.

Waxaa dalka Suudaan oo ay deris yihiin dalka Itoobiya gaaray kumanaan ruux oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo ka barakacay dagaallada culus ee ka soconaya gobolka uu Tigreegu dego ee wuqooyiga dalkaas.

Hay’adda qoxootiga dalka Suudaan ayaa xaqiijisay in dalkaas ay soo gaareen kumanaan ruux oo Itoobiyaan ah, kuwaas oo isuga jira qeybaha kala duwan ee dadka, waxayna kasoo barakaceen dagaallada culus ee ka soconaya dalkaas.

Dadka ayaa aad u tiro badan, waxayna gaarayaan kumanaan ruux, iyadoo ay ku jiraan haween wata caruur aad u yar yar,  iyo dad waayeello ah.

Halkan ka dhagayso Kumana Itoobiyaan ah Oo ka barakacay dagaallada ka socda Itoobiya

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.