Madaxweyne Waare Oo Iska casilay Xilkii Madaxtnimada Hir Shabeelle.

Waare oo la taagan Fransisco Madera.

Madaxweynaha Maxa’ed Cabdi Waare oo ahaa madaxweynihii maamulka Hir Shabeelle ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii madaxtinimada ee maamulkaas.

Waare ayaa qoraal uu soo saaray wuxuu ku sheegay in xaalad fadhiid ah uu ku jiro maamulkii uu isagu hogaaminayay ee Hir Shabeelle, sidas darteedna uu isku casilay.

Maalmihii ugu dambeeyay waxaa la dareemayay in khilaaf uu kala dhexeeyo Waare iyo Dowladda uu hogaamiyo Farmaajo, iyadoona ciidamo aad u badan oo ay direen  sirdoonka Dowladda federaalka laga dejiyay magaalada Jowhar.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.