Masaajidka Alhuda ee Saakow oo gaba gabo maraya.wax ku darso.

Waxaa gabo gabo maraya dhismaha masjidka Alhuda degmada Saakow ee wilaayada jubooyinka.

Dhismihii masjidka ayaa horay loo dumiyay markii ay bateen jameecada ku dukanaysa masaajidka taasi oo keentay in la balaariyo masjidka si dad badan ugu dukan karaan.

Dad badan oo ku sugan gudaha dalka iyo dibadiisa ayaa ka qeybqaatay dhismaha masjidkaan oo maraya marxaladii ugu danbeysay.

Sheekh Cabdirisaaq Maxamed Cali oo kamid ah gudiga Masjidka ayaa ugu baaqay Muslimiinta inay ka qeybgalaan dhameestirka masjidka oo sadaqo ay la baxaan.

Halkan ka dhagayso codka Sheekh Cabdirisaaq.

Gudiga waxaa lagala xariiri karaa lacagta EVCPULSna lagu xawili karaa lambarka ah 0615576625.

waxaa kale oo jira Akoon lambar oo ah Salaam bank waa 30594868

Teleefoonka haddii aad dibadda ka soo waceysid waa sidaan 00252615576625

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.