Natanyahu iyo Bin Salmaan Oo Kulan Qarsoodi ah Yeeshay.

Maamulka Yahuuda ee xooga ku heysta dhulka muslimka ah ee Filastiin ayaa shaaca ka qaaday in kulan qarsoodi ah yeesheen ra’iisul wasaaraha maamulka Yahuudda Bin Yamin Natanyahu iyo dhaxalsugaha maamulka Aala-Sucuud Muxamad bin Salmaan.

Natanyahu ayaa kulankan gaarka ah wuxuu la yeeshey bin Salmaan, waxaana la socday taliyaha sirdoonka Musad ee maamulka Yahuudda, iyadoo si guud safarka uu hogaaminayay wasiirka arimaha dibadda ee Maraykanka ee Mike Pompeo.

Kulanka waxa uu ka dhacay magaalada uu dhismaheeda wado Muxamad bin Salmaan ee lagu magacaabo Niyom, taas oo ku taalla dalka Sucuudiga ee uu ka arrimiyo maamulka Aala-Sucuud.

Tallaabadan waxay u muuqataa mid ay ku doonayaan maamullada Aala-Sucuud iyo Yahuudda iney ku yeeshaan xiriir toos ah oo lamid ah midka ay dowladaha Imaaraatka, AlBaxreyn iyo Suudaan la gaareen maamulka Yahuudda.

Dhinaca maamulka Aala-Sucuud wuxuu beeniyay inuu jiro wax kulan ah oo dhexmaray bin Salmaan iyo Natanyahu, waxaase arinkan xaqiijiyay wasiiro katirsan maamulka Yahuudda, iyadoo Natanyahu uu ka gaabsaday inuu wax tacliiq ah ka bixiyo.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.