Nin ay Koronto ku dishey magaalada Dhuusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya in mid kamid ah shaqaalaha shirkad koronto oo ku taalla magaalada ay ku dhegtay koronto, taasoo keentay inuu dhintay.

Ninkan dhintay oo lagu magacaabo Cabdullaahi Ciise ayaa waxaa ku dhegtay koronto, xilli uu ku jiray howlo cillad bixin ah.

Xilliyada roobabku da’aan ayay korontu leedahay halisyo dheeraad ah, waxaana mararka qaar dhacda iney disho dadka ka shaqeeya ama dadka adeegsada.

Halkan ka dhagayso Nin ay Koronto ku dishey magaalada Dhuusamareeb

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.