Qaraxyo Waxyeello Dhaliyay Oo Ka Dhacay Gaalkacyo.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa ka dhacay qarax xoogan oo lagu weeraray ciidamo katirsan kuwa maamulka Puntland ee ku sugan magaaladaas.

Qaraxa waxa uu ahaa mid xoogan oo jugtiisa si weyn loo maqlay, waxaana lagu weeraray goob ay ku sugnaayeen ciidamada maamulka Puntland.

Inta la xaqiijiyay 2 askari oo katirsan ciidamada maamulka Puntland ayaa ku dhaawacmey qaraxa, kuwaas oo la dhigay isbitaallada caafimaadka.

Qaraxa kadib, askarta ayaa rasaas u furay jihooyinka kala duwan, taasoo dhalisay waxyeello gaartay dadka shacabka ah.

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug waxaa labadeeda dhinac kala maamula maamullada Galmudug iyo Puntland, waxaana si joogta ah uga dhaca howlgallo kala duwan oo ay fulliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.