Qoorqoor Oo ka badbaaday Isku day Dil Iyo Saraakiil Lagu Weeraray Muqdisho Iyo Gaalkacyo.

Guutooyinka madaafiicda ee ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa beegsaday diyaarad garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ka qaadeysay madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Qoor qoor iyo xillibaanno katirsan baarlamaanka Dowladda federaalka.

Hubka lidka diyaaradaha ayay ciidamada Mujaahidiinta ku garaaceen garoonka, xilli ay soo caga dhigatay diyaaradda qaadeysay Qoor qoor iyo xillibaannada kale, waxaana rasaasta lagu soo ridayay ay uga badbaaday si dirqi ah.

Dhinac kale, qarax ka dhacay deegaanka Siinkadheer ayaa lagu dilay taliye ku xigeenkii ciidamada halkaas ku sugan oo lagu magacaabo Cali Xuseen.

Qarax xoogan ayaa lala beegsaday gaari uu saarnaa taliyaha, waxaana halkaas ku gaaray dhaawac halis ah, kaas oo uu markii dambe u geeriyooday.

Gaalkacyana waxaa ka dhacay howlgal gaar ah oo lagu beegsaday sarkaal katirsan ciidamada maamulka Puntland.

Halkan ka dhagayso Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Soomaaliya

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.