Reer Jubbooyinka Oo Dhigay Banaanbax ay ku difaacayaan Rasuulka SCW.(Sawirro)

Banaanbax aad u ballaaran oo ay isugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee bulshada muslimiinta ayaa ka dhacay degmada Jilib ee wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka, kaas oo lagu difaacayay Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.

Banaanbaxa waxaa kasoo qeybgalay ardeyda dhigata madaarista ku yaala JIlib, waxgaradka wilaayada islaamiga ee Jubbooyinka iyo masuuliyiin katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

Dadka ayaa watay boorar waaweyn oo ay ku xardhanyihiin halkudhigyo ka dhan ah Emmanual Macron oo ah madaxweynaha wadanka Faransiiska.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.