Reer Shabeellaha Hoose Oo Si Adag u Difaacay Rasuulka SCW. (Dhagayso)

Qeybo kamid ah gobolka Shabeellaha Hoose waxaa ka dhacay isku imaatinnio ballaaran oo lagu difaacayay Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam, kaas oo ay isugu yimaadeen qeybaha kala duwan ee bulshada.

Kulan ballaaran oo ka dhacay deegaanka Kuunya Barrow ee wilaayada islaamiga ah ee Shabeellaha Hoose ayay dadku si caro leh waxay u muujiyeen sida ay uga xunyihiin tallaabada dowladda Faransiiska ay ku aflagaadeysay Rasuulka Salla-llaahu caleyhi wasallam.

Kulanka waxaa kasoo qeybgalay qeybaha kala duwan ee bulshada, sida Nabadoonnada iyo culimada Diinta Islaamka, waxaana dowrkooda muuqday sidoo kale haweenka muslimaadka ah ee degan wilaayada Shabeellaha Hoose.

Halkan ka dhagayso Banaanbax Lagu difaacayo Rasuulka Oo ka dhacay Shabeellaha Hoose

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.