Silsilado Weeraro ah Oo ka Dhacay Caasimadda Austeria. (Dhagayso Faafaahin)

Magaalada Vienna ee caasimadda wadanka Austeria waxaa ka dhacay silsilado weeraro ah oo beegsaday goobo muhiim ah oo ku yaala magaaladaas.

Rag hubeysan oo watay hubka noocyadiisa kala duwan ayaa weeraro ka geystay goobo kala duwan oo kamid ah magaalada, illaa iyo hadana lama oga halka ay ku suganyihiin.

Ciidamada Ammaanka gaar ahaan kuwa sida gaarka ah u tababaran ayaa howlgallo ka wada magaalada caasimadda ah, masuuliyiinta dowladana waxay soo jeediyeen in dadka aaney kasoo bixin guryahooda.

Warark qaar waxay tilmaamayaan in qaar kamid ah ragga weerarka fuliyay la dilay, iyadoo ay jiraan khasaare isuga jira dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashey weerarka.

Dhagayso Faafaahin Silsilado Weeraro ah Oo ka dhacay caasimadda Austeria

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.