Sodomeeyo Ruux Oo Bas Saarnaa Oo Lagu dilay Galbeedka Itoobiya.

Wararka ka imanaya dalka Itoobiya ayaa ku waramaya in weli uu sii socdo dagaalka adag ee gobolka Tigreega ku dhexmaraya ciidamada Itoobiya iyo is maamulka Tigreega.

Waxaa muuqaneysa inuu sii xoogeysanayo dagaalka ka socda dalka, iyadoo uu kusii baahayo daafaha dalka Itoobiya.

Koox hubeysan ayaa wadada u galay gaari bas ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah, waxaana dhacdadan ay ka dhacday deegaan dhaca galbeedka dalka Itoobiya.

Deegaan lagu magacaabo Banii Shanquul oo dhaca galbeedka Itoobiya ayay ka dhacday dhacdadan, waxaana lagu dilay ugu yaraan 34 ruux oo shacab ah.

Hay’adda xuquuqda Insaanka ee dalka Itoobiya ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay inaan la ogeyn kooxda weerarkan fulisay iyo waxay yihiin, waxaase muuqaneysa iney xiriir la leedahay dagaallada ka soconaya gobolka Tigreega.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.