Wasiir katirsan Maamulka Jubbaland Oo Lagu Weeraray Kismaayo.

Waxaa magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ka dhacay qarax xoogan oo lala eegtay wasiir katirsan maamulka Jubbaland ee uu hogaamiyo Axmed Madoobe, isaga iyo ilaaladiisa.

Wasiirka qaraxa lagu beegsaday waxa uu ahaa wasiirka deegaanka iyo dalxiiska, waxaana uu si dirqi ah kaga badbaaday qaraxa, iyadoo ay ku dhinteen qaar kamid ah ilaaladiisa.

Ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidamada ilaalada wasiirka ayaa ku naf waayay qaraxa, wuxuuna qaraxan kusoo aadayaa iyadoo dhawaan gudaha magaalada Kismaayo lagu weeraray gudoomiye ku xigeenka baarlamaanka maamulka Jubbaland.

Warka Hoose waxaad ka dhageysan kartaa weerarka ka dhacay Kismaayo iyo howlgalladii ugu dambeeyay.

Halkan ka dhagayso Wasiir katirsan maamulka Jubbaland Oo Isku dey dil ka badbaaday

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.