Wasiirkii Arimaha dibadda Maamulka Bashaar Oo Geeriyooday.

Maamulka Nuseyriyada Bashaar Al-Asad ayaa ku dhawaaqay geerida wasiirkii arimaha dibadda ee maamulkaas ninka lagu magacaabo Waliid Al-mucallim.

Bayaan ay baahisay wakaaladda wararka ee Nidaamka, kana soo baxay wasaaradda arimaha dibadda ee maamulka Bashaar Al-Asad ayaa lagu sheegay geerida Waliid Al-Mucallim, iyadoo aan la sheegin sababaha uu u geeriyooday.

Wuxuu ninkan marka laga soo tago wasiirka arimaha dibadda ahaa ku xigeenka ra’iisul wasaaraha maamulka Nuseyriyada Bashaar Al-Asad ee gumaadka wuxuushnimada ah u geysanaya dadka muslimiinta ah ee Suuriya.

Waliid Al-mucallim ayaa kamid ah shakhsiyaadka sida adag u difaacaya maamulka uu ka tirsanaa ee Bashaar, waxaana kulamo uu kaga qeybgalay caalamka marar badan ku faanay dhibaateyna dadka muslimiinta ah.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.