Weerar Cagmarin ah Oo Lagu Qabsaday Gawaari Dagaal Oo ka dhacay Mudug.(Dhagayso)
Waaberigii hore ee saaka, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar culus waxay ku qaadeen saldhig ciidan oo deegaan katirsan gobolka Mudug ku leeyihiin ciidamo katirsan Dowladda federaalka.
Ciidamada milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weerar cagmarin ah waxay ku qaadeen saldhig guutada 21aad ee ciidamada Dowladda federaalka ku leeyihiin deegaanka Bacaadweyn ee gobolka Mudug.
Weerarka oo ahaa mid aad u culus ayaa dhaliyay in xerada ay si buuxda ula wareegaan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, islamarkaana halkaas lagu dilo ciidamo katirsan Dowladda federaalka.
Warar horudhac ah oo la helayo waxay ku waramayaan in weerarka cag marinta ah ay Mujaahidiintu kula wareegeen saanado hub ah oo ay ku jiraan gawaarida dagaalka.
Shan gaari, oo labo kamid ah ku rakibanyihiin qoriyaasha Zuuga, 2 kalana ku rakibanyihiin dhashiikaha, halka mid kalena uu ku rakibanyahay B10, waxaana jira saanado intaas ka badan.
Meydadka qaar kamid ah ciidamada Dowladda federaalka ayaa lagu arkayaa goobta lagu dagaallamay, waxaana deegaanka si buuxda ula wareegay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.
Halkan ka dhagayso Faafaahin Weerar Cagmarin ah Oo lagu qaaday Bacaadweyn