Weerar Khasaare Dhaliyay Oo Ciidamada Kenya Lagula Eegtay Mandhera.

Gaari ciidamada Kenya leeyihiin oo ku gubanaya gudaha dhulka Kenya

Weerar ay dhimasho Iyo dhaawac ku noqdeen askar ka tirsan dowladda Kenya ayaa ka dhacay degmada Lafeey ee gobolka Mandheera.

Weerarkaan oo ahaa mid qarax ah ayaa waxaa maalintii shalay lala beegsaday ciidamo katirsan booliska dowladda Kenya.

Qaraxa ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay deegaanka Baambo oo hoostaga Degmada Lafeey, waxaana lala beegsaday kolonyo katirsan Kenyaatiga.

Gaari nuuca ciidanka qaada ah ayaa lagu bur buriyay qaraxaan lala beegsaday askarta booliska.

Diyaarad nooca qumaatiga u kacda ah ayaa kusoo degatay halka uu qaraxu ka dhacay iyadoona qaaday maydadka Iyo dhaawacyada ka dhashay qaraxa lala eegtay ciidamada booliska Kenya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.