Weerar Nafhurnimo Oo Lagu Qaaday Nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha Muqdisho.

Waxaa goordhow magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacay camaliyad nafhurnimo oo aad u xoogan, taas oo lala eegtay ciidamo iyo saraakiil katirsan isuga jira Ajaaniib iyo kuwa Dowladda federaalka.

Weerarka Nafhurnimada ah waxa uu ka dhacay nawaaxiga garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashey waxyeello ba’an oo isuga jirta dhimasho iyo dhaawac.

Ugu yaraan 10 askari oo ay ku jiraan saraakiil iyo dad ajaaniib ah ayaa ku dhintay camaliyadda, halka ay sidoo kale ku dhaawameen 15 kale, waxaana jugta camaliyadda Nafhurnimada ah aad looga maqlay magaalada Muqdisho.

Waxay kusoo aaday camaliyadda saacado un kadib markii uu booqasho qarsoodi ah ku yimid magaalada Muqdisho wasiirka gaashandhiga ee dowladda Maraykanka.

Lama oga qorshaha uu wasiirku damacsanyahay ee uu u yimid Soomaaliya, waxaana muuqaneysa in safarkiisa uu ka war hayay sirdoonka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.