Weeraro Ka dhacay Gobolka Jubbada Hoose Oo Lagu Qaaday Kenyaatiga.

Dagaalyahanno katirsan milliteriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay weerar culus ku qaadeen saldhigyo ciidamada Kenyaatiga iyo maamulka Jubbaland ku leeyihiin deegaanno katirsan Jubbada Hoose.

Goobaha ay ciidamada Mujaahidiinta weerareen waxaa kamid ah Qooqaani, Cabdalla biroole iyo degmada Afmadow, waxaana labada deegaan lagu weeraray Kenyaatiga, halka Afmadowna lagu weeraray ciidamada maamulka Jubbaland.

Khasaare kala duwan ayaa la rumeysanyahay inuu gaaray ciidamada maamulka Jubbaland iyo kuwa Kenyaatiga ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerarka ku qaadeen.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.