Weeraro Lagu Qaaday Saldhigyada Shisheeyaha ee Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay waxay weerar culus ku qaadeen saldhigyada ciidamada Shisheeyaha ee gobolka Shabeellaha Hoose iyo Jubbada Hoose.

Shabeellaha Hoose, waxaa lagu weeraray Shisheeyaha saldhigyada ay ku leeyihiin degmooyinka Baraawe iyo Jannaale oo katirsan gobolka.

Dagaalka waxa uu ahaa mid culus oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Waxaa sidoo kale ciidamada Kenya lagu weeraray deegaannada Taabto iyo Cabdalla biroole.

Weeraradan waxay imaanayaan iyadoo ay sii kordhayaan howlgallada Jihaadiga ah ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fulinayaan goobaha ay Shisheeyaha ka joogaan wadanka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.