Wilaayada Mudug Oo Heshiis Dhex dhigtay Jufo katirsan Beesha Cayr.

Kulan ballaaran oo ay isugu yimaadeen waxgaradka jufa katirsan beesha Cayr iyo maamuka sare ee wilaayada islaamiga ah ee Mudug ayaa ka dhacay qeybo kamid ah gobolkaas, kaas oo ahaa kulan dib u heshiisiin ah.

Waxaa fadhiga la isugu keenay waxgaradka jufada Xasan Samadoorte oo katirsan beesha Cayr, waxaana lagu xallinayay mad madow soo kala dhexgalay Jufada.

Masuuliyiinta wilaayada islaamiga ah ee Mudug oo uu ku jiro waaliga wilaayada Sheekh Xasan abuu Xamza ayaa kasoo qeybgalay kulan ballaaran oo lagu soo gebegebeynayay fadhiyadii dib u heshiisiinta, waxaana dhinacyadu sheegeen iney aad ugu faraxsanyihiin.

Wilaayaadka islaamiga ee ka jira Soomaaliya ayaa howlaha loo riyaaqay ee ay qabtaan waxaa ka mid ah iney kala dhexgalaan qabaa’ilka Soomaaliyeed marka ay xurguf iyo khilaafaad uu soo kala dhexgalaan, waana arin ay aad u bogaadisay Shareecada Islaamka.

Halkan ka dhagayso Wilaayada Islaamiga Mudug Oo heshiis dhexdhigtay Jufo katirsan Beesha Ceyr

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.