Xarun ay Shirkadda Safaricom Ku leedahay NFD Oo La Weeraray.

Ciidamo katirsan Al-Shabaab oo ku sugan Laamu.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ka howgala dhulka soomaaliyeed ee NFD ayaa fuliyay howgal gaar ah oo ay ku beegsadeen Xarun ay leedhay shirka Safaricom.

Howgalka oo ahaa mid qorsheysan oo u dhacay sidii loogu talagalay ayaa waxaa lagu burburiyay xarun ay shirkadda Safaricom ku leedahay degaanaka Karro oo 13 Km galbeed uga beegan magaalada Mandheera oo ka mid ah dhulka soomaaliyeed ee ku jira gumeysiga dowlada Kenya.

Ila waredyo mas’uul ah ayaa inoo sheegay in ciidamada Kenya ee ku sugan deegaanka Karro ay isku dayeen inay soo gormadaan, hasayeeshee ay baqeen iyagoona rasaas aan loo meel dayin u tuurayay dhinacyada.

Shirkada Safaricom ayaa ah shirkad ay leedahay dowlada Kenya ,waxaana marar badan xarumaha shirkadan howlgallo milliteri ku beegsaday ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.,

Saacadihii la soo dhaafay ayay aheyd markii ciidamada Mujaahidiinta ee ka howgala NFD ayaa qarax la beegsaday gaari booyaad ah , halkaasi oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen 10 askari oo ka tirsan ciidamada malatariga Kenya.

Isku soo wadaduuboo , Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa hogaamineysa hayaan dheer oo loogu jiro dib u xoreynta dhulka soomaliyeed ee ku jira gacanta dowlada Kenya, waxaana NFD iyo Laamu ka howlgala guutooyin milliteri oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.