Yahuudda Oo Duqeymo Ka fuliyay Magaalada Dimishiq ee Suuriya.

Wararka ka imanaya dalka Suuriya ayaa ku waramaya in aroornimadii hore ee saaka diyaaradaha maamulka Yahuudda ay duqeymo xoogan ka geysteen saldhigyo ciidan oo ku yaala gudaha magaalada Dimishiq ee caasimadda wadanka Suuriya.

Wakaaladda wararka ee nidaamka Nuseyriyada Bashaar Al-Asad ayaa baahisay warar la xiriira in ciidamada difaaca cirka ee maamulka Bashaar ay iska caabiyeen duqeymo xaga cirka ah oo ay kusoo qaaden diyaaradaha maamulka Yahuudda.

Wakaaladdu waxay xaqiijisay in duqeymaha Yahuudd ay ku dhinteen 3 askari oo katirsan ciidamada Nuseyriyada, halka mid afaraadna uu ku dhaawacmay, mana sheegin jagooyinka milliteri ee ciidamadaas.

Dhinaca ciidamada Yahuudda, war kasoo baxay waxay ku sheegeen in aroornimadii hore ee saaka ay duqeymo xoogan ku beegsadeen saldhigyo ay magaalada Dimishiq ku leeyiiin ciidamada shiicada ah ee Iiraan.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.