6 Askari Oo Ka Tirsan Ciidamada Maamulka Koonfurgalbeed Oo Lagu Dilay Baay.

Wararka ka imaanaya gobolka Baay ayaa ku waramaya in barqanimadii maanta uu halkaasi ka dhacay weerar jidgal ah oo loo dhigay ciidamo ka tirsan maamulka Koonfurgalbeed.

Weerarka oo si kadis ah udhacay ayaa waxaa uu sigaar ah kaga dhacay wadadda isku xirta magaalada Baydhabo iyo deegaanka Deynuunaay ee Baay.

3 askari oo ka tirsan ciidamada maamulka koonfurgalbeed ayaa lagu dilay dagaalka , halka sido kale laga qaatay 3 qori oo ah AK47 ah .sida ay inoo xaqiijiyeen ila wareedyo mas’uul ah oo ku sugan wilaayada islaamiga ah ee Baay iyo Bakool.

Dhanka kale Ciidamo gurmad ahaa oo ka soo baxay Magaalada Baydhabo ayaa la beegsaday qarax xooggan xili ay marayeen duleedka magaalada , waxaana ku dhintay 3 askari 6 kalana waa dhaawac.

Weerarka dhabagalka ah ee lagu dilay qaar ka mid ah askarta maamulka koonfurgalbed ayaa ku soo aadaya iyadoo habeenki xalay dagaallo iyo qarax ka dhacay magaalada Gaalkacyo iyo Gobollo ka tirsan dalka ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen ciidamo ka tirsan shisheeyaha iyo sidokale ciidamada dowlada federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.