3 Askari Oo lagu dilay Weerar ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee Galgaduud.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay dagaal dhexmaray labo ciidan oo ka wada tirsan kuwa Dowladda federaalka.

Askarta uu dagaalka dhexmaray ayaa isku qabtay bar kontorool oo ay gawaarida ku baaraan, waxaana dagaalka dhexmaray uu dhaliyay khasaare dhimasho.

Ugu yaraan 3 askari oo katirsan ciidamada Dowladda federaalka ayaa ku dhintay dagaalka, sida ay ku waramayaan ilo xog ogaal ah oo ku sugan magaalada Dhuusamareeb.

Dagaalka dhexmaray labadan ciidan ee kawada tirsan dowladda federaalka wuxuu kusoo aadayaa iyadoo dhawaan dowladda federaalka ay ciidamo geysay Dhuusamareeb, sidoo kalena uu hadda magaalada ku suganyahay ra’iisul wasaaraha Dowladda federaalka Rooble.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.