Afar askari oo koonfur galbeed looga dilay Diinsoor.(Maqal)

Askarta Al-Shabaab

Ciidamada xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa xalay fuliyay dagaallo iyo duqeymo ka dhan ah ciidamada Ugandha,Jabuuti,Kenya,Itoobiya iyo kuwa la socda ee katirsan dowladda iyo maamul gobaleedyada Jubaland iyo koonfur galbeed.

Alshabaab ayaa laba mar xalay weeraray laba saldhig oo ciidamada Maamulka koonfur galbeed ay ku leeyihiin gudaha magaalada Diinsoor oo dhacda Gobalka Bay.

inta la xaqiijiyay dagaalka ayaa lagu dilay Afar askari,waxaana ku jiray Taliye horin oo magaciisa loo soo gaabiyay Garuun.

Ciidamada xarakada ayaa sidoo kale xalay dagaallo ku ekeeyay saldhigyo ku yaalla.Baladweyn,Buulo burde iyo Jalalaqsi oo ka wada tirsan gobalka Hiiraan.

Dagaallo kuwaasi lamid ah ayaa xalay ka dhacay Garbahaarey,Buurdhuubo,Afmadow,Hosingow garoonka Baraawe iyo meele kale.

Halkan ka dhagayso warbixinta dagaalka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.