Askari lagu dilay Duleedka Muqdisho iyo Weerar Lagu qaaday Buula Burde.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa habeenkii xalay waxay howlgallo kala duwan ka fuliyeen duleedka magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo degmada Buula burde ee gobolka Hiiraan.

Askariga la toogtay, waxa uu dilkiisa ka dhacay deegaanka Weydow ee duleedka magaalada Muqdisho, waxaana uu ka tirsanaa cidamada Asluubta.

Rag hubeysan oo katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa geystay dilka, waxaana markaas kadib ay isaga tageen goobta.

Dhinac kale, weerar xoogan ayaa lagu qaaday saldhig buundada bari ee magaalada Buula burde ku leeyihiin ciidamada maamulka Hir Shabeelle.

Dagaalka waxa uu socday in muda ah, waxaana uu geystay khasaare kala duwan oo gaaray ciidamada maamulka Hir Shabeelle.

Halkan ka dhagayso Askari lagu dilay Muqdisho iyo Weerar lagu qaaday Buula burde

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.