Banaanbaxyo ka kala dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe.

Wararka ka imaanaya magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe ayaa ku waramaya in halkaas ay ka dheceen banaanbaxyo xoogan oo looga soo horjeedo Dowladda federaalka iyo maamulka Puntland.

Dadka banaanbaxa ka dhigay Muqdisho waxay ka cabanayaan wadooyin ay dowladda federaalka xirtay, kuwaas oo muhiim u ah isku socodka dadka iyo gaadiidka.

Sidoo kale Dadweyne careysan ayaa isugu soo baxay wadooyinka magaalada Garoowe, kuwaas oo ka cabanayay sicir barar, iyadoo halkaas laga diiday lacagtii shilin soomaaliga ahayd.

Halkan ka dhagayso Banaanbaxyo xoogan oo ka dhacay Muqdisho iyo Garoowe

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.