Ciidamada Itoobiya Oo Ku dagaallamay Halgan.

Wararka ka imaanaya magaalada Halgan ee wilaayada islaamiga ah ee Hiiraan ayaa ku waramaya ay halkaas ay ku dagaallameen ciidamada Xabashida Itoobiya.

Xerada ciidamada Itoobiya ee Halgan ayaa aroornimadii hore ee maanta waxaa laga maqlay rasaas xoogan, kadib markii ay isku dheceen ciidamo Itoobiyaan ah oo halkaas ku sugan.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada Itoobiyaanka ay isku dayeen iney hub ka dhigis ku sameeyaan askar kale oo saaxibadooda ah, kuwaas oo la sheegay iney amar diido sameeyeen.

Dagaalka ayaa socday in muda ah, waxaana inkastoo xogo dheeraad ah laga helin hadana lagu soo waramayaa in goor dambe uu joogsaday.

Lama oga waxa uu salka ku hayo amar diidada ay sameeyeen askartan iyo dagaalka ciidamada Itoobiya ku dhexmaray Halgan, waxaase macquul ah inuu la xiriiro dagaalka Tigreega iyo xukuumadda Itoobiya ku dhexmaraya gudaha dalka Itoobiya.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.