Coronavirus Oo Soo Laba Kacleeyay iyo Tirada Dhimashada Oo Korortay!

 

Waxaa sii xoogeysanaya cabsida ay dowladaha caalamka ka muujinayaan kororka ku yimid faafitaanka cudurka Corona virus, iyadoo ay soo baxayaan noocyo cusub oo cudurka kamid ah, kuwaas oo hadda laga soo sheegayo wadamo ay kamid yihiin kuwa reer galbeedka.

Website-ka soo gudbiya wararka la xiriira Coronavirus ayaa shaaca ka qaaday in tirada guud dadka uu cudurka Corona ku dhacay ay gaarayaan 77 malyan oo ruux, halka tirada dhimashada ay la egtahay 2,700,000 ( Labo milyan, todobo boql oo kun) waxaana cudurka ka caafimaaday 55 malyan oo qof.

Dalka Maraykanka ayaa weli kaalinta koowaad kaga jira marka loo eego tirada dadka uu soo ritay Corona iyo kuwa uu dilay, waxaana la diiwaangeliyay 18 malyan oo kiis oo Corono ah, halka uu cudurka Maraykanka ku dilay kudhawaad 325 kun oo ruux.

Hindiya ayaa ku jirta kaalinta labaad, waxa uu cudurku ku dhacay 10 malyan oo qof iyo dhimashada ugu yaraan 145 kun oo ruux, Parazil ayaana kaalinta saddexaad ku jirta oo laga diiwaan geliyay kiisas gaaraya 7 malyan oo ruux.

Xilli dowladaha caalamka ay isku diyaarinayaan iney dadkooda siiyaan tallaalka Coronavirus ayaa waxaa soo baxaya cabsida laga qabo faafitaan horleh oo uu billaabay cudurka.

Ingiriiska oo kale, waxay dowladdu shaaca ka qaaday iney soo shaac baxday mowjado horleh oo uu ku faafayo cudurka, iyadoo ay adagtahay in laga hortago.

Dowladaha Holand, Turkiga, Ruushka, Marooko, Biljimka, Faransiiska  ayaa joojiyay duulimaayadii uga imaanayay dalka Ingiriiska oo hadda u muuqanaya in si ba’an uu cudurka Corona virus ugu faafayo, waxaana tallaabadan lagu wadaa iney qaadaan dowlado horleh.

Madaxa midowga Yurub ayaa isugu wacay dowladaha xubinta ka ah ururka, si looga wada hadlo tallaabooyin deg deg ah oo looga hortagi karo faafitaanka cudurka Coronavirus.

Noocan cusub ee kamid ah cudurka Coronavirus, islamarkaana hadda soo baxay ayay dhakhaatiirtu sheegayaan inuu ka faafitaan badanyahay noocii hore, taasina waxay waxba kama jiraan ka dhigeysaa sida muuqata tallaalladii ay dowladaha reer galbeedku ku faanayeen iney sameeyeen.

Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO ayaa war ay soo saartay waxay ku sheegtay in xalka keliya ee looga hortagi karo cudurka ay tahay in dadku kala fogaadaan, si loo yareeyo fursadaha uu ku faafi karo cudurka.

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.