Gudoomiyaha degmada Dayniile oo ka badbaaday qarax.
Maxamed Abuukar Jacfar oo ah gudoomiyaha degmada Dayniile maamulka Gobalka Banaadir ee dowladda federaalka ayaa xalay ka badbaaday isku day dil.
wararka naga soo gaaraya degmada Dayniile ayaa sheegaya in qarax xooggan uu ka dhacay guri uu Jacfar ka daganyahay nawaaxiga isgoyska dabka ee magaalada Muqdisho.
Qaraxa ayaa xoogiisa laga maqlay agagaarka gurigiisa.
waxaa la sheegay in qaraxa ay ku waxyeeloobeen qaar katirsan ilaalada gudoomiyaha.
Xarakada shabaabul mujaahidiin ayaa marar badan isku dayday inay disho Jacfar oo ay kasoo sheegteen dad badan oo ku nool Muqdisho.