Gudoomiye katirsan Dowladda Kenya Oo Laga Soo Qabtay NFD iyo Weeraro ka dhacay Shabeellaha Hoose.

Wararka ka imaanaya dhulka NFD ee ku jira gumeysiga dowladda Kenya ayaa ku waramaya in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay halkaas ka fuliyeen howlgal gaar ah oo lagu soo qabtay gudoomiye katirsan maamulka dowladda Kenya ee NFD.

Weerar lagu qaaday deegaanka Gumurey oo katirsan gobolka Wajeer ee NFD ayaa dhaliyay in gacanta lagu soo dhigay gudoomiyaha deegaankaas ugu magacaabanaa dowladda Kenya, kadib markii ay ka carareen ciidamadii ilaaladiisa ahaa.

Waxaa sidoo kale gobolka Shabeellaha Hoose qarax lagula eegtay saraakiil miina baarayaal ah oo katirsan ciidamada Shisheeyaha ee duulaanka kusoo qaaday dalka Soomaaliya.

Sidoo kale, ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa weeraray saldhiga ciidamada Shisheeyaha ku leeyihiin garoonka diyaaradaha ee magaalada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Halkan ka dhagayso Howlgallo kala duwan oo dhacay oo ka dhacay NFD iyo Shabeellaha Hoose

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.