Muqdisho:Nin Toorrey Ku Dilay Hooyadiisa.

Wararka Naga Soo gaaraya Magaalada Muqdisho ayaa waxay ku waramayaan in degmo ka tirsan gobalka Banaadir uu nin ku dilay hooyadiis.

Falkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay Degmada Kaaraan ee magaalada muqdisho.

Sidoo kale ninka dilkaan gaystay ayaa wuxuu dhaawacay laba wiil oo mid kamid ah ay walaalo yihiin.

Falkaan ayaa yimid kadib muran ku saabsan dhaxal uu soo kala dhex galay qoyska taas oo keentay in uu Toorrey ku dilo hooyadiisa oo 70 jir ahayd.

Dadka gaysta falalka nuucaan ah ayaa waxay isticmaalaan muqaadaraadka kaas oo waayadii ugu dambaysay kusoo badanayay Magaalada Muqdisho gaar ahaan hoteellada ku yaalla gudaha Caasimadda.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.