Qaraxyo iyo dagaallo ka dhacay Muqdisho,Baardheere,Qooqaani iyo………..

Howlgallo kala duwan oo isugu jiray dagaallo toos ah iyo qaraxyo ayaa xalay lagu qaaday ciidamada shisheeyaha iyo kuwa  Soomaalida ah ee ku wehliya  qeybo kamid ah Gonalka Banaadir,Jubooyinka iyo Gedo.

Muqdisho:Qarax ayaa lagu weeraray ciidamada dowladda ee ku sugan Isgoyska Ekis Contorol Afgoye ee magaalada Muqdisho.

Lama heli faafaahin ku aadan khasaaraha soo gaaray ciidamada.

Qarax kale oo uu ku dhaawacmay Askari katirsan ciidamada Dowladda ayaa xalay ka dhacay Tabeellaha sheekh Ibraahim ee dulleedka Muqdisho.

Dhinaca kale Xalay Dagaallo xooggan ayaa ka dhacay dagmada Baardheere ee Gobolka Gedo kuwaas oo lagu beegsaday Askarta Suufiyada Iyto Kuwa xabashida Itoobiya .

Dagaallad waxa ay ahaayeen kuwa aad uculus, waxaana lagu beegsaday askarta Xabashida ee ku sugaan Garoonka Baardheere iyo ciidamada suufiyada ee ku sugan Xerada baraxow.

Khasaare aad ubadan oo si rasmi ah loo xadi karin ayaa soo gaaray ciidamada Xabashida kuwaasi oo Mudada dagaalku socday la maqlayay baroortooda.

Dhinaca kale isla Xalay waxaa la weeraray ciidamada Somalida ah ee ku sugan Bariire oo katirsan Gobalka shabeelaha hoose iyo kuwa Kenya ee ku sugan Taabto,Qooqaani iyo saldhiga ciidamada jubaland ee Cabdala Biroole.

Ciidamada shabaabul mujaahidiin ayaa dhowr jaha ka weeraray saldhigyadaasi welina idaacadu ma aysan helin khasaaraha ka dhashay dagaaladaasi.

Shalay iyo habeen hore ayay ahayd markii Mujaahidiintu weerareen saldhigyo ay ku suganyihiin ciidamada Afrikaanta iyo ciidamada dowladda federaalka.

Dhinaca kale tafaasiil ayaa laga helay dagaal habeen hore ka dhacay Buufow oo katirsan shabeelaha Hoose,

inta la xaqiijiyay Askari katirsan ciidamada shisheeyaha ayaa ku dhaawacmay dagaalka.

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.