Qur’aanka Kariimka oo Lagu weyneeyay Ceelcade(Dhagayso)

Munaasabadaan oo ahyed mid aad u ballaaran isla markaana lagu weyneynayay Musxafka kitaabka qur”aanka kariimka ayaa ka dhacday Degaanka Ceel Cadde ee Xaruunta wilaayada islaamiga ah ee Gedo Taas oo ay ka soo qeybgaleen mart sharaf kala duwan .

Xafladaan ayaa qeyb ka aheyd xamlo ballaaran oo ay dhawaan ku dhawaaqday wilaayada islaamiga ah ee ee Gedo isla markaana lagu weyneynayo Laguna ilaalinayo Qur’aanka kariimka .

Munaasabada ayaa waxa Hadallo qiimo badan ka jediyay qar ka mid ah mas’uuliyiinta maamulka islaamiga ah ee Gedo Culimo , iyo sido kale qaar ka mid ah waxgaradka Deeganka.

Sheekh Maxamed Bashaar.Odayaal iyo  Sheekh Aadan Sahal Abuu Turaab Waaliga wilaayada islamaiga ah ee Gedo ayaa kamid ahaa dadka goobta ka hadlay.

Dhagayso Kalimaadka Laga jeediyay Munsaabada Ceelcade

Maamulka islaamiga ah ee Gedo ayaa dhawaan ku dhawaaqay Xamlo balaaran oo lagu ilaalinayay musxafka qur”aanka kariimka  Ka dib markii qaar ka mid ah dowladaha reer Galbeedku ay caadeysteen dhibaateynta Rasuulka sallahu Calleyhi wassallam iyo ku xadgudubka kitaabka qur”aanka kariimka oo ah kalaamka allaah .

 

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.