Shil Khasaare dhaliyay Oo ka dhacay Gobolka Saaxil ee Wuqooyi Galbeed.

Magaalada Hargeysa oo ah caasimadda dhulka Wuqooyi galbeed Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya gobolka Saaxil ee wuqooyi galbeed SOomaaliya, kana mid ah dhulka uu ka taliyo maamulka Soomaaliland ayaa waxaa ka dhacay shil gaari oo sababay waxyeello kala duwan.

Gaari kusii jeeday magaalada Hargeysa ayaa rogmaday, waxaana ku dhintay hal ruux, halka ay 15 kalena ku dhaawacmeen, kuwaas oo 7 kamid ah caruur ahaayeen.

Waxaa loo aaneynayaa shilalka kusoo badanaya deegaanadaas qadarta Allaah kadib darawallada oo gawaarida xawaare siyaado ah ku kaxeeya, iyo iyagoo mararka qaar isticmaala maandooriyaha qaadka.

Halkan ka dhagayso SHil khasaare dhaliyay oo ka dhacay Saaxil

You might also like

Leave A Reply

Your email address will not be published.